Swan oo si adag u cambaareeyay weerarkii xafiiska duqa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii xafiisyadda duqa Muqdisho, kaasi oo dhaliyey khasaaro uu kamid yahay duqa qudhiisa.

"Weerarkan wuxushnimada ah ma ahan rabshad ka dhan ah qayimka nolosha dadka, balse waxaa lagu beegsanayaa Soomaalida horumarineysa noloshooda iyo saaxiibadooda ku sugan Muqdisho-gobolka Banaadir," ayuu yiri.

Sidda ay shaacisay xukuumadda federaalka ah, lix ruux oo ay ku jiraan laba gudoomiyeyaal degmo iyo saddex agaasime ayaa ku dhintay qaraxa, xili ay ku dhaawacmeen lix kale oo kamid yahay gudoomiyaha gobolka.

"Qaramada Midoobay waxay ku garab taagan tahay dadka iyo dowladda Soomaaliya diidmadooda falalka argagixisada, waxaana u tacsiyeynayaa ehelada dhibaneyaasha," ayuu ku daray wakiilka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa is-miidaamin ka dhex-dhacay hool ay kulan ku lahaayeen mas'uuliyiinta gobolka, kaasi oo looga hadlayay nabad-gelyadda caasimadda.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow], duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhaawaciisa warar kala duwan ay kasoo baxayaan oo ku kala sheegay "mid khatar ah" iyo "mid sahlan".

Ergayga Qaramada Midoobay iyo Duqa magaaladda oo ay wehliyaan mas'uuliyiin qaarkood ku naf-waayey dhacdadan ayaa ku kulmay xarunta gobolka Banaadir oo ku taala degmada Xamarwayne.

"Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladda dadkii wax ku gaarey falkan, waxaana soo kabasho u rajeynayaa dhamaan dadka dhaawaca ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Mr. Swan oo sidoo kale ah howlgalka UN-ka ee Soomaaliya.

Weerarkan oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa qayb kamid ah sil-silado qaraxyo ah oo bilooyinkii lasoo dhaafey guud ahaan dalka gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaasi oo galaaftay dad u badan rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM