Sweden oo baaq kasoo saartey doorashooyinka Soomaaliya

Image

STOCKHOLM, Sweden - Dowladda Sweden ayaa soo dhaweysay heshiiskii magaaladda Muqdisho ku dhexmaray Xukuumadda federaalka Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey iyo Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda.

Per Olsson Fridh, wasiirka iskaashiga caalamiga Sweden oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa sidoo kale wuxuu ku baaqay in dhinacyadda soo waddaan wadaxaajoodyadda si ay u qabsoonto doorasho nabdoon.

Wasiirka ayaa si gaar ah wuxuu u carabaabay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kaasoo haysta dhalashada Sweden.

Madasha heshiiskaas lagu saxiixay waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweyneyaasha Galmudug iyo HirShabelle si lamid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed.

"[Sweden] waxay soo dhaweynaysaa heshiiska Ra'iisul Wasaaraha [Soomaaliya] @MohamedHRoble, golaha musharixiinta madaxweynaha iyo hogaamiyaasha Hirshabelle Benadir iyo Galmudug. Waxay ku bogaadineysaa dhinacyada oo dhan tallaabadan ku aaddan xuquuqda dastuuriga ah, badbaadada muwaaddiniinta & sii wadista wadahadallada siyaasadeed si loo xaqiijiyo doorashooyinka nabdoon," ayuu Fridh kusoo qoray boggiisa Facebook.

Heshiiska dhexmaray dowladda iyo musharaxiinta ayaa baajiyey banaanbax lagu daray in Jimcada todobaadkii hore uu ka dhaco Muqdisho kaasoo looga soo horjeeday in Farmaajo xukunka sii joogo isaga oo waqtiga ka dhacay.

Is-afgaradkaas oo saaxiibadda caalamka ay garwadeen ka ahaayeen ayaa "talaabo dhanka wanaagsan loo qaadey" waxaa ku qeexdey Qaramada Midoobay, Puntland iyo Jubaland kuwaas oo ku taliyey xalinta qodobada harsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM