Switzerland oo si qarsoodi ah Muqdisho ugu tarxiilayso muwaadiniin Soomaali ah
Warbixin ay daabacday wargeyska Swiss-ka ee WOZ – die Wochenzeitung ayaa shaaca ka qaaday in Switzerland ay qorsheyneyso duulimaad gaar ah oo lagu tarxiilayo Soomaali si khasab ah loogu celinayo Muqdisho, inkastoo aysan jirin oggolaansho rasmi ah oo arrintan ka timid dowladda federaalka Soomaaliya.
Qorshahan, oo uu hormuud u yahay Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Qaxootiga (SEM), ayaa lagu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee diiday in si iskood ah u laabtaan lagu saari doono duulimaad khaas ah oo aan rakaab caadi ah wadin. Qoraal sir ah oo ay heshay WOZ, ayaa SEM ku amray saraakiisha socdaalka Zürich 11-kii Agoosto 2025 inay joojiyaan tarxiillada duulimaadyada caadiga ah, isla markaana ay “isku dayaan duulimaad gaar ah” marka laba qof oo kale ay diidaan bixitaanka.
Haddii la hirgeliyo, tani waxay noqon doontaa tarxiilkii khasabka ahaa ee ugu horreeyay ee Switzerland ay ku celiso Soomaali tan iyo 1996. Dowladda Soomaaliya wali ma xaqiijin heshiis arrintan oggolaanaya, halka waraaqo gudaha ah oo Swiss ah ay tilmaamayaan in mowduucu yahay mid “aad u xasaasi ah” gudaha Muqdisho.
Xasaasiyadda Switzerland ayaa salka ku haysa dhacdo ka dhacday 1996, markii laba sarkaal oo boolis ah oo Swiss ah lagu xiray Muqdisho kadib markii lagu qabtay iyagoo wadan muwaadin si qarsoodi ah loo soo celinayey. Labada sarkaal ayaa la sii daayay kaddib markii Switzerland bixisay lacag madax-furasho ah oo dhan 20,000 Swiss francs isla markaana dib loogu celiyay ninkii tarxiilka ahaa Zürich.
Tan iyo markaas, Soomaaliya si joogto ah ayay uga diidday tarxiillada khasabka ah, iyadoo soo bandhigtay sababo amni iyo bani’aadamnimo. Intii u dhaxeysay 1996 iyo 2025, waxaa kaliya la fuliyay 46 tarxiil oo lagu sameeyay duulimaadyo caadi ah oo Soomaaliya oggolaatay — labo ka mid ah bishii Sebteembar ee sanadkan.
Iyadoo xaaladda amni ee Soomaaliya ay weli liidato oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayso gobollo badan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Switzerland ayaa digniin ka bixisay safarrada Soomaaliya, halka ururada xuquuqda aadanaha ay sheegeen in tarxiilka khasabka ah ee dadkaas uu noqon karo jebin sharci caalami ah.
Si kastaba ha ahaatee, Switzerland ayaa si tartiib ah u ballaarinaysa xiriirka ay la leedahay hay’adaha socdaalka Soomaaliya. Diiwaanno ay heshay WOZ ayaa muujinaya in wafdi Swiss ah uu April 2024 la kulmay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA), halkaas oo reportedly lagu ballamay in la oggolaado tarxiillo xaddidan oo khasab ah iyo “siyaasad cusub oo soo celin” oo la hirgelin doono sanadka 2025.
Dhowr bilood kadib, Switzerland waxay Gisela Schluep u magacowday xiriiriye socdaal oo ku sugan Nairobi, si ay u maamusho tarxiillada Soomaaliya iyo Eritrea. Iyadoo hoggaankeeda, wafdi Soomaali ah oo ka koobnaa lix xubnood ayaa lagu casuumay Bern bishii Luulyo 2025, halkaas oo la siiyay qalab casri ah oo lagu xaqiijiyo dukumentiyada, lana saxiixay heshiis farsamo oo iskaashi ah. Bishii Sebteembar, tababar 10-maalmood ah oo ku saabsan amniga internet-ka ayaa lagu qabtay Muqdisho.
Saxafiga Soomaaliyeed Cabdalle Axmed Mumin, xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS), ayaa u sheegay WOZ in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin “xeelad ay Switzerland ku xoojinayso dadaalkeeda tarxiilka iyadoo maalgelin ku sameyneysa kaabayaasha socdaalka iyo kantaroolka xuduudaha Soomaaliya.”
Dhanka kale, mucaarad iyo warbaahin madax-bannaan oo Soomaaliyeed ayaa sheegay in wasiirka amniga Soomaaliya uu diiday in la aqbalo dad laga soo tarxiilay Finland iyo Switzerland, isagoo ku sababeeyay in dalka “uusan ammaan u ahayn soo laabtayasha.”
Xildhibaan hore oo Soomaaliyeed, Cabdillaahi Hashi Cabdi, ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah dalalka Yurub in ay ku sameeyeen tarxiillo qarsoodi ah, isagoo sheegay in Sweden ay maalgelisay mashaariic ku kacaysa $12 milyan si loogu oggolaado afar duulimaad “gaar ah” tan iyo Diseembar 2024 — eedeymo ay dowladda Soomaaliya beenisay.
Mas’uuliyiinta Swiss ayaa dhankooda ku andacoonaya in dadka la tarxiilayo ay yihiin dambiilayaal ama falal rabshado leh ku lug leh, balse ururka xuquuqda aadanaha Augenauf ayaa arrintaas ku tilmaamay “propaganda,” isagoo sheegay in inta badan dadkaasi ay yihiin degganayaal muddo dheer ku nool Switzerland oo aan khatar amni ah ku ahayn.
Warbixinta WOZ ayaa sidoo kale shaacisay in Wasaaradda Caddaaladda ee Switzerland ay soo saartay dukumentiyo socdaal (laissez-passer) oo ay caadi ahaan bixiso dowladda lagu celinayo dadkaas — arrin ay khubaro sharci iyo saraakiil hore oo SEM ah ku sheegeen “mid aan horey u dhicin.”
Tirakoobyo gudaha ah oo Swiss ah ayaa muujinaya in 61 muwaadin Soomaaliyeed ay hadda wajahayaan amar tarxiil. Khubaro siyaasadeed ayaa ka digay in haddii Switzerland u dhaqaaqdo iyadoo aan haysan dukumentiyo ay Soomaaliya bixisay, ay taasi abuuri karto tusaale cusub oo halis ah oo saameeya dalal kale oo diida tarxiillada khasabka ah, sida Eritrea.
Qorshaha Switzerland ayaa qayb ka ah isbeddel ballaaran oo Yurub ka socda, halkaas oo dalal sida Sweden ay ku xiraan iskaashiga socdaalka iyo maalgelinta Soomaaliya. Bishii hore, warbixin uu daabacay Dagens Nyheter ayaa sheegtay in Wasiirka Socdaalka ee Sweden, Johan Forssell, uu oggolaaday lacag sir ah oo dhan 5 milyan kronor (qiyaastii $517,000) oo loo sii maray Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) si loo fududeeyo tarxiillada Soomaalida.
Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay eedeymahaas “been iyo marin-habaab,” hadana warbixinnada ayaa muujinaya in xiriirka socdaalka iyo tarxiillada Soomaalida uu noqday arrin siyaasadeed iyo mid lacageed oo muran badan dhalisay gudaha iyo dibadda labadaba.
GAROWE ONLINE