Taariikh nololeedka gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah afhayeen cusub ku doortay Dhuusamareeb.

Dr Maxamed Axmed Gacal ayaa guusha ku hantiyey 54 cod, isagoo labinta ka helay Cabdinaasir Aadan Cusmaan 34 helay.

Sidda uu guddiga doorashadda shaaciyey, waxaa xumaaday hal cod, wadarta guud ee coddeysayna ay tahay 89 mudane.

Gacal, oo isla goobta lagu dhaariyey, ayaa bedeli doona Cali Gacal Casar oo xilkaas loo doortay kadib yagleelidii dowlad goboleedka.

Waa kuma Maxamed Axmed Gacal?

1966 ayuu ku dhashay degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud

1987 ayuu ka baxay dugsiga Sare, Muqdisho

1988 ayaa qaatay diblooma heer dhexe, machadka maamulka & maareynta Jaamacadda Carabta ee Muqdisho

1995 ayuu shahaadada 1-aad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Ummu Durmaan ee Sudaan

1999 ayuu ka qaatay diblooma sare machadka maareynta musiibooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika

2000 ayuu diblooma sare oo qaanuunka guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn ee isla waddanka Sudaan

2001 ayuu shahaadada labaad oo maareynta musiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee Afrika

2008 ayuu shahaadada 3aad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Umul Darmaan ee dalka Sudan.

Dhanka shaqadda

Wuxu kasoo shaqeeyay Jaamacadda Muqdisho, halkaasoo uu noqday hormuudka kuliyada sharciga.

2013-2014 wuxuu ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda

2014-2016 wuxuu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya

2019 wuxuu xubin ka noday guddiga dib u heshiisiinta Galmudug

2020, waxa uu kamid noqday baarlamaanka labaad ee Galmudug, waxaana loo doortay afhayeenka labaad ee maamul goboleedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM