Taariikhda sarkaalka Al-Shabaab ah ee Muqdisho laga dejiyay [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaal sare oo Al-Shabaab kasoo goostay uu isku soo gacan-geliyay dowladda.

Horjoogahaan oo lagu maacaabo Aadan Cabdi Maxamed [Aadan Coobe] ayaa Talaadadii iska dhiibay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Saraakiisha sirdoonka ayaa shaaca ka qaaday in Aadan Coobe looga dhex-yaqaano maleyshiyaadka argagixisada ah Food Aadan Maxamed.

Aadan ayaaa kamid ahaa mas'uuliyiinta dhanka canshuuraadka ah ee xoogaga cilaaqaadka la leh Ururwaynaha Al-Qaacida.

Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Shabaab oo ay kamid tahay; in uu ka tirsanaa Golaha Shuurada iyo madaxa arrimaha Bulshadda.

Sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo dhanka amaanka ah, Aadan markii ugu dambeysay wuxuu ahaa madaxa Saadka gobolka Jubada Hoose ee Shabaab.

Maxamed Xuusen Al-Qaadi, gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ee Jubbaland, ayaa shaaciyay in ruux kale uu wehliyo Aadan Coobe.

"Iyagaa dowladda lasoo xiriiray oo go’aan saday in ay soo goostaan," ayuu u sheegay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Aadan Coobe ayaa haatan ku jira xarunta sirdoonka Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasi oo si lamid ahay ku jiraan xubno kale.

"Tani waxay dharbaaxo ku tahay Al-Shabaab," ayuu Mr Al-Qaadi daba dhigay hadalkiisa markii la waydiiyay waxay ka dhigan tahay arrintaan.

Coobe oo aad ugu dhowaa hogaamiyihii Al-Shabaab ee Axmed Godane ayaa si lamid ah xubin ka ahaa Midowgii Maxaakiimta, oo muddo lix bilood ka arimiyay guud ahaan bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM