Talaabo ka dhan ah ciidanka aan kamid ahayn AMISOM oo la codsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran oo war-saxaafadeed kasoo saartay ciidamadda dalka jooga ee aan kamid ahayn AMISOM ayaa soo dhaweysay mudo kordhintii dhowaan loo sameeyay howlgalka.

Muddo kordhinta oo uu sameeyay Golaha Ammaanka UN-ka ayaa loo cuskaday in ay qayb ka noqdaan dedaaladda lagu sugayo ammaaanka doorashooyinka aan lagu heshiin ee qorshuhu yahay in ay dhacaan 2020-21.

Xilli muddo kordhinta la sameeyay 29-ka May, 2020 waxaa la filayaa in ay dhamaato 28-da bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2021.

Howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM waxaa ciidamo ku tabarucay dalalka; Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Burundi.

Dhanka kale, Madasha ayaa mar kale ka codsatay Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay iyo Midowga Afrika in ay baaraan joogitaanka ciidanka aan kamid ahayn AMISOM ee ku sugan gobolada wadanka.

Joogitaanka "sii kordheysa" ee ciidamada Itoobiya ee aan kamid ahayn taliska ayay tibaaxeen in ay xadgudub ku tahay madax-banaanida dalka iyo qaraarka cunaqabateynta hubka ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Sidda lagu xusay bayaanka, ciidamadaas ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka geystay xadgudubyo iyo falal xasilooni darro abuuris ah. Itoobiya ayay sheegeen in ay taariikh fool xun ku dhex-leedahay dadka iyo Soomaalida.

Golaha Ammaanka ayay mar kale ka dalbadeen in si madax-banaan loo xaqiijiyo joogitaanka ciidanka iyo in ay qaadaan talaabooyin lagu hubinayo in ay wali jirto madax-banaanida iyo xorriyada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, golaha ammaanka ayay kaga mahadceliyeen baaqoodii ku socday dowladda federaalka ee ku aadanaa wadahadal ay maamulada iyo saamileyda kala gasho doorashooyinka iyo in ay xormeyso dastuurka.

QORAALKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM