Talaabooyin la qaadayo hadii DF ay diido doorasho oo "la diyaariyey"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mucaaradka Soomaaliya ayaa si cad shaaca looga qaadey in ay "diyaariyeen" talaabada ay qaadayaan hadii dowlada Farmaajo doorasho qaban-waydo 2020-21, sidda uu shaaciyey siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hadalkaas ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka maxaliga ah ee Universal.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa xusay in Villa Soomaaliya ay "waddo filin aan laga daaweyn karin Soomaaliya".

"Waxaa ii muuqata madaxweynaha horey aan u dareen-saneyn haddana uu afkiisa ka caddeeyay doorashadii isaga ka horeysay ee 2017 ka qabtay iyo tii kasii horeysay uu yiri 'sharci daro ayay ahaayeen' macnaheedu waxay tahay doorasho dalkan kama qaban rabo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo…wuxuu rabaa in uu annaga noo sheego 'kursigaanaa fadhinayaa illaa iyo doorasho qof iyo cod ah laga qabo dalkaan'…filinkaas filin hadda Soomaaliya ka shidmaayo ma ahan," ayuu ka shanqariyey wasiirkii hore ee Qorsheynta.

Xubnaha mucaaradka ayuu tilmaamay in uu u socdo wadatashiyo ku saabsan talaabada la qaadayo hadii xukuumada Nabad iyo Nolol ay ku guuldareysato hirgelinta coddeynta.

"Sidaad la socoto gogol ayaa taalo Puntland, waxaan xog ogaal u ah Beesha Caalamka in ay rabto in ay isku keento dadka, hadii gogoladaas guuleystaan falilaahi xamdu oo ninkaan uu ogolaado in uu xilka ku wareejiyo si nabad ah uu ogolaado…hadii uu ogolaan waayo wax dhib ah naguma hayso annaga…tallooyin ayaan u soo gudbineynaa…dadka Soomaaliyeedna khiyaaraad ay leeyihiin ayaan u soo gudbineynaa," ayuu daaha ka rogay.

Wallow uu ka gaabsaday in uu sii fahfaahiyo talaabooyinka ay ku dhawaaqayaan, Warsame oo sii hadlay ayaa ku nuux-nuux saday in aysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi sharci darro ah.

Isagoo saluug ka muujiyey in coddeynta soo aadan ay qabsoomi karto maadaama uusan jirin nidaam heshiis lagu hayay, Wasiir hore ayaa rajeeyay in aysan qaadin "talaabooyiin aan fiicneyn".

Ugu dambeyntii, Warsame oo uga digay Farmaajo "in uu ku fekero waxay ka tanaasuuleen madaxdii ka horeysay" ayaa ku adkeystay "in ay diyaarsadeen qaababkii ay isaga qaban-lahaayeen hadii uu diido doorasho".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM