Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo digniin "culus" soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa Isniinta maanta ah digniin kasoo saarey roobab "mahiigaan ah" oo la filayo in ay da'aan.

Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, roobab ka da'ay todobaadkii hore ayaa galaaftay nolosha laba ruux oo dad waa weyn ah.

Goobjoogeyaal ayaa laga soo xigtay in laba ruux ay geeriyoodeen ka gedaal markii ay qaadeen daad ka dhashay roobka oo aad u weynaa.

Sidda ay shaacisay dowladda, waxaa sidoo kale ka dhashay burbur soo gaarey waddooyinka iyo hoy ay deganaayeen dad shacab ah.

Sakiya Xusee, taliye ku xigeenka ciidamadda booliska, ayaa shaaciay in "la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska".

Qoraal ay baraha bulshadda ku baahisay ayaa waxay ku waanisay muwaadiniinta in ay lasoo xiriiraan hay’addaha ku shaqadda leh.

Hoos ka akhriso qoraalka

Wargelin

Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska.

Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag iyagoo wacaaya number 991.


Dhinaca kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu dhaliilayaa in uusan jirin qorshe cad oo uga degan dib u dayactirka waddooyinka burburay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM