Taliyaha AMISOM oo socdaal aan lasii shaacin ku tegay Jubaland

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jeneraal Tigabu Yilma, ayaa Jimcadii socdaal lama filaan ah ku tegay magaalada Dhoobley ee ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Fariisinka askarta shisheeye ee Dhoobley oo hoostagta dowlad goboleedka Jubaland waxaa mas'uul ka ah ciidamo Kenyan ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya ayaa safarka sarkaalkan Itoobiyaanka ah ku tilmaamay mid uu ugu kuur-galay xaalka cutubyadda.

Yilma oo kulan is-xog-wareysi ah la qaatay saraakiisha Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay kawada xaajoodeen howlgaladii ugu dambeeyay iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidda ku xusan bayaanka, Yilma ayaa yiri "Waxaan u imid in aan idin hubiyo iyo in aan indhaheyga ku arko shaqada wanaagsan oo aad u qabaneysaa Soomaaliya iyo AMISOM".

"Cadowga [Shabaab] wuxuu luminayaa fariisimo balse waxaan u baahan nahay in aan joogteyno cadaadiska si guud ahaan dalka loo xasiliyo looguna wareejiyo Soomaalida," ayuu ku daray.

Inkasta oo muddo kordhin hal sano ah loo sameeyay, AMISOM ayaa qorshuhu yahay in ay dalka ka baxaan 2020-21 kadib doorashooyinka aan wali lagu  heshiin nidaamka lagu galayo.

Dhoobley, oo marin muhiim ah u ah marka laga yimaado Kismaayo laguna sii jeedo magaalada sohdinta Kenya dhacda ee Liboi taasoo gaabiga ku haysa xerada Dabaab, ayaa 729 KM u jirta Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM