Taliyaha Booliiska oo bixiyay amar gilgilay saraakiisha ciidanka

Image
Hadalka taliyaha ayaa kusoo hagaagaya xilli uu meel daran marayo kacdoonka shacabka gaar ahaan Bajaajleyda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee booliiska Sulub Axmed Firin ayaa goob isugu keenay inta badan madaxda ciidanka iyo saraakiisha kala duwan, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir, wuxuuna u jeediyay khudbad uu kula wadaagayay awaamiir.

Sulub ayaa si qotodheer uga hadlay dilalka askarta booliiska ay u geystaan shacabka, isaga oo marka horeba is dultaagay in ka sokow in waajibka ciidanka yahay illaalinta naftooda, uu sidoo kale waajib culus ka saaranyahay illaalinta sharafta muwaadhinka.

“Xilligii hore booliiska hub ma wadan jirin, waxay haysan jireen garuun iyo birta jeebada, hadda waxaan ognahay duruufta qoryaha u dhiibtay ciidanka, iyada oo qofka muwaadhinka ah aragtida qorigaasi ka naxayo marka horeba, ma ahan haddane in isla qorigii lagu dilo muwaadhinka," ayuu yiri.

Waxa kale uu wax lala yaabo ku tilmaamay in askariga isaga oo gaadiidka bajaajta ah cagta kaga dhufan kara xabadda uu doorto in uu madaxa kaga dhufto darawalka.

Taliyaha u sheegay in uu soo baxay amar sheegaya in haddii askari fal geysto ay waajib tahay in askariga shaqada kula jira uu markiiba qabto, oo aanan laga dhagaysan doonin "wuu baxsaday askarigii falka geystay".

Waxa uu intaasi ku daray taliyaha in saraakiisha maamusha ciidanka ay mas’uul ka yihiin dhibka ay gaystaan askarta ay xukumaan, waajibna ku tahay in ay kordhiyaan la xisaabtanka askartooda.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo hagaagaya xilli uu meel daran marayo kacdoonka shacabka, gaar ahaan dhallinyarada bajaajta ku shaqaysata oo quus ka taagan dilalka tiro beelka ah ee askarta dowladda geystaan iyadda oo sababta ay tahay laaluush ciidanka rabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM