Taliyaha booliska gaarka ah ee Turkiga oo socdaal ku yimid Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha ciidamadda booliska ee sidda gaarka ah u tababaran ee waddanka Turkiga, Selami Türker, ayaa Axadii wuxuu socdaal ku yimid dalka Soomaaliya.

Safaaradda Turkiga ayaa shaaca ka qaadey in ujeedka safarka Türker uu salka ku hayo xoojinta xiriirka booliska labada qaran.

Türker ayaa la kulmay mas'uuliyiin uu ku jiro Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow, isagoo ka qeybgalay xuska maalinta booliska.

Sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Anadolu, Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka Afrika ee ka faa'iideystay tababarada Turkiga ee lagu xoojinayo amniga gobolka.

Bishii September, 2017, Turkiga ayaa Muqdisho ka furtay saldhiga milatari midka ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan waddankaas.

Xeradaas, oo ku taala duleedka magaala madaxda Soomaaliya, ayaa halkii jeer martigelin karta kun askari iyo gaadiidkooda dagaalka.

Turkiga ayaa u soo gurmaday Soomaaliya 2011-kii kadib macluul daran oo waddanka ka dhacday, taasoo indhaha caalamka kusoo jeedisay.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa laba jeer yimid Muqdisho, taasoo ka dhigtay hogaamiyihii ugu horeeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Soomaaliya in ka badan 20-sano kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM