Taliyaha booliska gaarka ah ee Turkiga oo socdaal ku yimid Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha ciidamadda booliska ee sidda gaarka ah u tababaran ee waddanka Turkiga, Selami Türker, ayaa Axadii wuxuu socdaal ku yimid dalka Soomaaliya.

Safaaradda Turkiga ayaa shaaca ka qaadey in ujeedka safarka Türker uu salka ku hayo xoojinta xiriirka booliska labada qaran.

Türker ayaa la kulmay mas'uuliyiin uu ku jiro Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow, isagoo ka qeybgalay xuska maalinta booliska.

Sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Anadolu, Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka Afrika ee ka faa'iideystay tababarada Turkiga ee lagu xoojinayo amniga gobolka.

Bishii September, 2017, Turkiga ayaa Muqdisho ka furtay saldhiga milatari midka ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan waddankaas.

Xeradaas, oo ku taala duleedka magaala madaxda Soomaaliya, ayaa halkii jeer martigelin karta kun askari iyo gaadiidkooda dagaalka.

Turkiga ayaa u soo gurmaday Soomaaliya 2011-kii kadib macluul daran oo waddanka ka dhacday, taasoo indhaha caalamka kusoo jeedisay.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa laba jeer yimid Muqdisho, taasoo ka dhigtay hogaamiyihii ugu horeeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Soomaaliya in ka badan 20-sano kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM