Taliyaha Ciidamada ilaaladda Farmaajo oo la dhaawacay [Faahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari katirsan ciidamada difaacaya Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ahayd dhaawac u geystay Taliyaha ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Farmaajo.

Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Askariga uu rasaas ku furay Taliyaha oo lagu magacaabo Cabdifitaax Dabagaalle kadib markii ay ku murmeen mushaar ka maqan.

Askariga ayaa taliyaha ku eedeeyay in uu lunsaday lacago uu lahaa, iyadoo markii uu muranka sii daba-dheeraaday uu sababay in la dhaawaco Cabdifitaax Dabagaalle, oo loola cararay Isbitaal.

Dhaawaca taliye Dabagaalle ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, waxaana lagu daaweynayaa mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Askariga falkan geystay, oo isna kamid ah ciidamada ilaalladda u ah Farmaajo, ayaa lagu soo waramayaa inuu baxsaday kadib markii uu toogasho ku dhaawacay taliyihiisa.

Illaa hadda saraakiisha sare ee Madaxtooyadda kama aysan hadlin dhaawaca Dabagaalle.

Ciidamada Militeriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mudo 4 bilood ah la siinin wax mushaar iyo raashiin ah, taasoo keentay in qaarkood ay kasoo baxaan aagagii difaaca gobollada Shabeellooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM