Taliyaha Ciidanka Kenya oo socdaal lama filaan ah ku yimid Soomaaliya

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Kenya ayaa ammaan kala duldhacay askarta waddankiisa ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Jeneraal Samson Mwathethe oo Axada maanta ah booqday cutubyadda kaga sugan Soomaaliya ayaa xusuuiyey in waajibaadkoodu yahay sidii dalkooda amni ugu soo dabaali lahaayeen.

"Wallow aad ku sugan tihiin halkaan, waan idinka fekernaa, mana laga yaabo in la idin hilmaamo. Waxaan idin rajeynayaan guul inta aad gudaneysaan waajibaadkiina," ayuu yiri.

Mwathethe ayaa u sheegay askarta in nabadda Soomaaliya ay ku xiran tahay nabadda dhulkooda hooyo.

"Waxaan u joognaa Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan ognahay haddii Soomaaliya ay ka xorowdo Al-Shabaab iyo argagixisadda, in Kenya sidoo kale aan ka xorreyn doono," ayuu raaciyey.

Sarkaalka ugu sareeya Ciidanka Qalabka Sidda ee Kenya ayaa ku booriyey askarta in ay xoojiyaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab isla markaana ay xididaha u siibaan.

Dhinaca kale, Levi Mghalu, taliyaha ciidamadda badda Kenya, oo socdaalka qayb ka ahaa, ayaa ku tartarsiiyey askarta in ay sii laba jibaaraan "shaqadda fiican oo ay hayaan"

Kenya ayaa ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab. Fariisinkoodu waa gobolada Jubooyinka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa bishii hore wuxuu si cad daboolka uga qaadey in ciidamadda waddankiisa ay kusii sugnaan doonan Soomaaliya inta laga cirib-tirayo khatarta Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM