Taliyaha cusub ee AFRICOM oo Muqdisho kula kulmay Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee taliska Mareykanka ee qaaraadda Afrika, Stephen Townsend, ayaa shalay oo Arbaco ahayd wuxuu ka degay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu shaaciyey in sarkaalkan Ameerikaan ah uu Muqdisho kula kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Bayaanka oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu xusay in kulanka uu qayb ka ahaa danjiraha Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Warka qoraalka ah oo aanan lagu xusin goobta uu kulanku ka qabsoomay ayaa lagu qeexay in dhinacyadda ay kawada hadleen amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa shaacisay in Townsend uu u balanqaaday mas’uuliyiinta Soomaaliya in uu kala shaqeyn doono sidii loo xasilin ahaa waddanka iyo kordhinta cadaadiska ka dhanka ah argagixisada.

Waa socdaalkii ugu horeeyay oo uu Soomaaliya ku yimaado Townsend, kaasi oo dhowaan loosoo magacaabay jagadan oo uu la wareegay todobaadkii hore.

"Hadii ay argixisadu soo weerarto danaha Mareykanka, waxay heli doonan mudankooda. Balse ma heli doonan fursad iyo marin," ayuu yiri Stephen Townsend, sidda ku xusan qoraalka.

Stephen Townsend ayaa mudadii uu Soomaaliya ku sugnaa wuxuu sidoo kale la kulmay saraakiisha ciidamada Mareykanku tababaro ee loo yaqaano Danab, kuwaasi oo fuliya gulufyada ka dhanka ah garabka Al-Qaacida.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa wuxuu ku booriyey ciidamada Soomaaliya in ay sii wadaan cadaadiska Al-Shabaab oo uu xusay in ay dhabaha u raaxeyso in dagaalameyaashaasi laga xoreeyo degaanada ay maamulan.

Taliska AFRICOM ayaa wuxuu dusha kala socdaa howlgaladda dhanka cirka iyo dhulka oo ciidamada Ameerikaanka ah ay ka fuliyaan wadamada qaaradda Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM