Taliyaha cusub ee howlgalka AMISOM oo xafiiska la wareegay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay taliyahooda cusub, waxaana ay sii sagootiyeen hogaankii ka horeeyay oo xafiiska joogay tan iyo sanadkii hore ee 2019-kii.

Gaashaanle Dhexe Diomede Ndegeya, oo Burundees ah, ayaa xafiiska kala wareegay dhigiisa Tigabu Yilma kaasoo Itoobiyaan ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Ndegeya uu ku bogaadiyey Yilma wax-qabadkiisa mudadii uu jagada hayey.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, Yilma ayaa Ndegeya wuxuu u rajeeyay in uu ku guuleystay waqtiga uu xilkaan muhiimka hayo.

Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi waa wadamada ciidamadda ku tabarucay howlgalka AMISOM, kaasoo shaqeynaya 13-kii sano ee lasoo dhaafay, balse aan wali ku guuleysan in ay wiiqaan halista Al-Shabaab.

Fransisco Madeira, madax AMSOM ahna ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa taliyaha la sagootiyey ku ammaanay guulaha uu gaarey oo uu ka xusay dhimista tirada askarta iyo xorreynta degaano dhowr ah.

Tuulooyinkaas laga saarey Al-Shabaab waxaa kamid ah; Bariire, Sabiid iyo Awdheegle, waxaana ammaankooda la wareegay ciidamo Soomaali ah, talaabadaas oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka AMISOM.

Kahor inta aan loo magacaabin taliyaha AMISOM, Ndegeya ayaa ahaa lataliye sarre oo siyaasada, diblumaasiyada iyo ammaanka kana tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhiga Burundi. Ergayga Masar ayuu si lamida soo noqdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM