Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar oo shaqo joojin lagu sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kadib wareegto uu soo saarey Taliyaha Guud.

Digreetadda kasoo baxday Taliyaha ayaa lagu sheegay in shaqo joojinta Jeneraal Maxamed Cumar Xirsiile ay la xiriirto kiis lagu eedeeyay.

Warqadda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu shaaciyey in baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo "dhacdadaas".

Dhacdada loo haysto Xirsiile ayaa ah maxbuus-xanuunsan oo dhintay, taasoo ay cabasho ay ka muujiyeen qoyska marxuumka.

Qoyska ayaa sheegay in Xirsiile uu marxuumku si xoog ah uga soo saarey Isbitaal ay geeyeen. Wararka waxay sheegayaan in 40-daqiiqo kadib markii Isbitaalka laga soo saarey uu dhintay.

Xogta laga helay illo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeysaa in maxbuuska uu ku dhex-dhintay Isbitaalka Martiina ee dowladda ay maamusho.

Jeneraal Xirsiile oo kahor shaqo joojinta beeniyey eedeyntaas ayaa xusay "si qaldan" loo dhigay "naxariis uu u sameeyay maxbuuska dhintay".

Maxbuuska oo 16-kii December, 2019 geeriyooday ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow. Sidda laga soo xigtay saraakiisha, Calasow wuxuu ku xukumanaa 8 sano oo xabsi ah.

Gabagabadii, warka kasoo baxay Taliska, ayaa lagu sheegay in la magacaabay Guddi ka kooban sideed xubnood, kuwaasoo baaraya kiiskan, wallow aanan lagu caddeyn in xabsi loo taxaabay Xirsiile.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM