Taliye ka tirsan AMISOM oo xil sare loo magacaabay, kana baxaya Muqdisho

Image

KAMPALA, Uganda – Taliye ku xigeenka howlgalada ee taliska AMISOM, Gaashaanle Sare Nakibus Lakara, ayaa loo magacaabay Maamulaha Guud ee shirkadda diyaaradaha xamuulka dalka Uganda oo uu u dhashay.

UACC, shirkadda duulimaadyadda xamuulka ee Uganda oo la aas-aasay 1994, ayaa kamid ah ilaha ay dhaqaalaha ka hesho xukuumada Kampala, waxayna ka howlgashaa gudaha waddanka iyo dibadda.

Sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas, madaxweyne Yoweri Museveni ayaa magacaabida sameeyay shalay.

Lakara ayaa bedelaya Injineer Frank Kyankya, kaas oo aanan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysay in shaqadda laga eryo.

Afhayeenka ciidamadda Uganda, Richard Karemire oo xaqiijiyey magacaabidda, ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah.

Nakibus Lakara oo aan wali ka hadlin magacaabida ayaa lagu wadaa in uu dhowaan ka hayaamo Muqdisho kuna laabto dalkiisa.

Bishii April ee sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii loo dalacsiiyey jagadda Gaashaanle Sarre isla markaana xilka AMISOM loo dhiibay.

Maadaama dhanka howlgaladda uu qaabilsanaa, waxaa lagu ammaanay doorka uu ka cayaaray baacsiga maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Uganda ayaa kamid ah wadamadda ciidamadda ku taageeray howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika, kaas oo lagu dhaliilay in muddo badan oo waddanka ay joogaan aysan kusoo dabaalin nabad-gelyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM