Taliye lagu eedeeyay shirqool dil oo ka dhacay caasimada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qoyska shaqsi dhalinyaro ah oo 23-kii December, ee sanadkan 2019, lagu dilay magaaladda Muqdisho ayaa taliye ka tirsan Ciidamadda Soomaaliya ku eedeeyay geeridda wiilkooda.

Cabdullaahi Faarax Maxamed [Xiirey] ayaa waxaa xili habeen ah lagu toogtay xaafadda Albarako ee degmadda Hodan.

Sidda laga soo xigtay qoyska, Xiirey oo ahaa mulkiilaha shirkad ka shaqeysa arrimaha sahayda wuxuu muran kala dhaxeeyay Taliyaha guutada koowaad ee 12-ka April, Jeneraal Xasan Jaamici.

"Murankaas waxaa dhowr jeer soo kala dhex-galay saraakiil, wuxuuna Jaamici ugu hanjabay Cabdullaahi in uu dili doono," ayuu yiri xubin ka tirsan qoyska marxuumka oo muuqaal soo duubay.

Inkasta oo qoysku fahfaahin ka bixin wuxuu muranka salka ku hayey, wararka ayaa waxay sheegayaan in uu la xiriiray dhanka qalabka ciidanka.

Saacado kahor dilkiisa, Xiirey waxaa soo wacay sarkaal ka tirsan ciidamadda oo lagu magacaabo Dhame Cabdi Jaamac, kaasoo ay iska raaceen isgoyska Soobe, sidduu qoysku sheegay.

"Cabdullaahi waxaa dilay Cabdi oo uu soo diray Jaamici, caddeymaheedana waan haynaa," ayuu raaciyey xubinta u hadashay qoyska marxuumka.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ayaa horey u sheegay in dilka Xiirey ay ka dambeeyeen dabley dooneysay in ay dhacaan.

Dhinaca kale, fahfaahino dheeraad ah oo laga helayo kiiskan ayaa ku waramaya in Dhame Cabdi Jaamac xabsi loo taxaabay.

Taliye Jaamici oo warsidaha Garowe Online xiriiro uu la sameeyay si uu kaga jawaabo eedeyntaan ayaanan ka jawaabin dalabkeena.

Sikastaba ha ahaatee, dilalka qorsheysan ayaa aad ugu badan magaala madaxda Soomaaliya, waxaana badankooda sheegta Al-Shabaab, wallow kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida aysan soo hadal-qaadin dhacdadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM