Taliye ka tirsanaa ciidamadda Koonfur Galbeed oo qarax lagu dilay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Taliye ku xigeenkii ciidamadda Daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee ku sugan Berdaale ayaa waxaa lagu waramay in lagu dilay qarax Miino oo lala eegtay.

Weerarkaas ayaa lasoo wariyey in uu ka dhacay nawaaxiga degaanka Buula Xaawa, oo ku yaala wadada aada dhanka magaaladda Qansax-dheere ee gobolka Baay, koonfurta Soomaaliya.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa aagaas joogitaan culus ku leh dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Mas'uuliyiinta amniga ayaanan wali war kasoo saarin dhacdadaas. Xiriiro uu Garowe Online la sameeyay si ay uga hadlaan kama jawaabin dalabka.

Qaraxyadda miinooyinka ayaa sanadihii lasoo dhaafay noqdey mid kamid ah xaaladaha ugu badan ee xoogaga Al-Shabaab ku bartilmaameedsato saraakiisha ciidamadda xoogga iyo mas'uuliyiinta.

Jimcadii lasoo dhaafay, qaraxyo lagu beegsaday madal ay ka socotay ciyaar dhaqameed duleedka Baydhabo ayaa lagu dilay shan qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 12 ruux.

Asbuucii hore, qarax Miino oo ka dhacay magaaladda Diinsoor ayaa waxaa  lagu khaarijiyey gudoomiyihii ururka haweenka degmadaas, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex kale oo caruur ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM