Taliye ka tirsanaa ciidanka Turkiga tababaray oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ka tirsanaa ciidamadda ay dowladda Turkiga u tababartay Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maxamed Cabdiwaaxid Faarax oo ahaa taliyaha ururka lixaad ee ciidamadda Gorgor ayaa wuxuu ku nafwaayey dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa tuulooyinka War-Ciise iyo Adab-duco.

Wararka qaar oo laga helay illo wareedyo ku dhow ciidamada ayaa intaas ku daraya in marxuumka uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey dagaalka oo ay la galeen maleyshiyadda Al-Shabaab.

"Taliyaha wuxuu hogaaminayey howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo loogu diyaar-garoobayey doorashooyinka la filayo in ay waddanka ka qabsoomaan," ayay sheegeen saraakiisha.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta wuxuu socdaal ku gaarey xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ee Jowhar halkaasoo uu kula kulmay mas'uuliyiin dhowr ah.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, si uu ugu kuurgalo saameynta ay fatahaadaha webigu ku yeesheen magaalada iyo sidii loogu gurman lahaa," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa wuxuu xaqiijiyey geerida marxuumka.

"Gaashaanle Maxamed Cabdiwahab galabta ayuu geeryooday isaga oo cadawga la dagaalamaya oo dalkiisa iyo dadkiisa difaacaya. Ilaahay ha u naxariisto. Aamiin Aamiin," ayuu yir.

HirShabelle ayaa horey waxay ugu eedeysay dowlada federaalka ah in ay "ka hagratay" deeqda ka timid Beesha Caalamka taasoo loogu talagalay la tacaalida iyo wax ka qabashada musiibooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM