Taliye loo eryay dilkii labada qof ee rayidka ahaa loogu geystay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii booliska degmadda Boondheere ee xalay labada qof ee shacabka ahaa lagu dilay ayaa xilka laga qaadey, sidda ay ku dhawaaqeen mas'uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareed oo lagu kalsoon yahay, Najiib Carab ayaa shaqada laga eryay kadib markii su'aalo laga waydiiyey dhacdadaas carada iyo banaanbaxyadda sababtay.

Go'aankan waxaa shir jaraa'id kaga dhawaaqay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], iyo taliyaha booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Xajaar.

Labada ruux ee rayidka ahaa waxaa toogtay askari ka tirsan booliska, kaas oo haatan xiran. Rasaasta ayuu furay markii ay ku murmeen bandowga habeenkii ee lagu soo rogay caasimada dalka.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii banaanbaxayaal careysan ay maanta isu soo bax balaaran oo ka dhan ah dowladda federaalka ku qabteen qaybo kamid ah magaaladda Muqdisho.

Dibad-baxayaasha oo hakad geliyey isu socodka inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo Taalada Daljirka Daahsoon ayaa soo riday kadibna dab qabad-siiyey boor uu ku xardhanaa sawirka madaxweynaha.

Dhanka kale, Cumar Filish iyo Xajaar ayaa daaha ka rogay in isbedel lagu sameeyay waqtigii bandowga habeenkii ee caasimadda. Waxay sheegeen in uu bilaaban doono labada fiidnimo, halka oo horey u ahaa hal fiidnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM