Taliye sarre kana tirsanaa Ahlu Sunna oo "isu dhiibay" Dowladda Soomaaliya

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Taliyihii Ahlu Sunna ee magaaladda Guriceel iyo askar taabacsan ayaa "isu dhiibay" dowladda Soomaaliya, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Talaabada uu qaadey Cabdullaahi Daahir Rooble ayaa timid ka gedaal markii wada hadalo uu la yeeshay saraakiil iyo mas'uuliyiin ka socotay Laanta Fulinta ee dalka.

Rooble ayaa lagu waramayaa isaga oo ay wehliyaan "askar badan iyo laba gaadiid dagaal" ay Dhuusamareeb galeen habeenimadii Jimcada, Sabtida soo galeysay, "kadib maalmo ay duurka ku jireen".

Xubno ka socda dowladda federaalka oo waanwaanta qayb ka ahaa ayaa kusoo dhaweeyay magaala madaxda Galmudug, oo qayb ka ah federaalka Soomaaliya.

Hogaanka ururka Ahlu Sunna oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo xukuumadda Muqdisho ayaa, illaa iyo haatan, aanan wali ka falcelin dhacdadaan.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu muhiim u ahaa Ahlu Sunna kana qeyb qaatay howlgalada xorreynta gobolada dhexe ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab, xoogag gacan saarka la leh Al-Qaacidda.

Mr Rooble iyo ciidamadiisa ayaa isaga baxay Guriceel markii ay todobaadkii hore "ay xoog kula wareegeen" ciidamo federaalka ka socdo, kuwaas oo Wasiirka Arrimaha Gudaha galbinaayey.

Saacado kadib markii ay dowladdu qabsatay Guriceel waxay u magacowday taliye saldhiga booliska, taas oo fasiraad kala duwan laga bixiyey, wallow Ahlu Sunna ay ka gaabsatay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii taliyihii Ahlu Sunna ee magaaladda Matabaan, oo dowladdu iska hor-imaad kula wareegtay, uu isana isu dhiibay xukuumadda.

Hogaanka Ahlu Sunna iyo Villa Soomaaliya ayaa isku haya magacaabidda Guddiga Doorashooyinka Galmudug. Xukuumadda waxay damacsan tahay in ay coddeynta ka hesho natiijo ka qoslisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM