Taliye todobaad gudahiisa laba jeer isku day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Booliska Soomaaliya, Janeraal Cali Barre Xersi [Cali Gaab], ayaa todobaad gudahiisa laba jeer isku day dil kaga badbaadey magaaladda Muqdisho.

Gaariga sarkaalka ayaa saaka lagu qarxiyey wadada Afisiyooni nawaaxiga Iskuulka Al-Masal, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, oo intaas ku daray in weerarka uu ka dhashay khasaaro aan wali la tirakoobin.

Ma cadda hadii Cali Gaab uu waqtigaas saarnaa baabuurka iyo in kale. Balse, warar ayaa waxay tibaaxayaan in uu la socday kolanyadda.

Fahfaahin horudhac ah ayaa soo jeedineysa in laba qof oo ay ku jirto haweenay kuwaas oo wadada marayey ay ku dhaawacmeen qaraxa.

"Qaraxa wuxuu ahaa Miino. Jawiga meesha ay wax ka dhaceen hadda waa mid degan. Ma jirin ciidan meesha yimid," ayay raaciyeen goobjoogeyaasha.

Bishaan May 20-keeda ayay ahayd markii gaari kale oo uu leeyahay taliyaha lagu beegsaday agagaarka isgoyska Banaadir. Hal askari oo ilaaladiisa kamid ahaa ayaa ku dhintay, saddex kale waxaa kasoo gaarey dhaawac.

Cali Gaab oo tibaaxay in xilligaas uusan la socon baabuurka ayaa isku daygaas la doonayey in lagu khaarijiyo ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Falalka liddiga ku ah ammaanka ayaa xiliyadda qaar ka dhaca magaala madaxda dalka ee Muqdisho, inkasta oo hay'addaha ammaanka ay dedaalo wadaan, haddana waxaa aad loo dhaliilayaa dabaca sirdoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM