Taliyeyaal katirsanaa ciidamada xoogga Somalia oo Qarax lagu dilay

Image

MUQDISHO, Somalia - Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar jidgal ah oo kolanyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka lagula eegtay degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, maanta oo Talaado ah.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa tilmaamay in weerarka oo loo adeegsaday qarax miino lagu dilay saraakiil uu kamid yahay Abaanduulihii qaybta 12-ka April, Jenaraal Cabdi Salaan Aadan Kurjow.

Maxamed Ibraahim Bare, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, oo xaqiijiyay geerida Kurjow ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo magacyada saraakiisha kale ee weerarkaan dhabagal ah ku geeryootay.

Meydka Marxmuun Kurjow iyo saraakiisha kale ayaa loosoo qaaday Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka ciidamada xooga dalka, halkaas oo la filayo in lagula togo salaada Janaazada kahor inta aanan la aasin.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlada iyo taliyaasha ugu sareeya ciidamada milatariga wadanka ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan aas qaran oo la rajaynayo in loo sameeyo saraakiishaan.

Marxuum Kurjow ayaa bedalay Cabdi Cali Jamaame, kaasi oo weerar kan lamid ah oo ka dhacay isla Dhanaane lagu naf-gooyey isaga iyo taliyihii qaybtaan sanadkii hore, kaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay.

Taliska ciidamada xooga dalka ayaa wacad ku maray kadib dhacdadaasi inay u aar-gudi doonan Jenaraaladaasi, iyaga oo qaaday howlgalo dhowr ah oo ay ka sheegteen guulo ah inay ku laayeen xubno Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM