Taliyihii booliska koonfurta Gaalkacyo oo u dhintay dhaawacii soo gaarey

Image

GAALKACYO, Galmudug - Taliyihii saldhiga booliska koonfurta Gaalkacyo, Gaashaanle Cawil Nuur Rooble ayaa u dhintay dhaawacii kasoo gaarey qaraxii loogu rakibay gaarigiisa.

Weerarka oo aroornimadii Isniintii dhacay ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac kasoo gaarey dad kale oo rayid ah, kuwaasi oo wadada marayey, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Cawil ayaa goobta looga qaadey dhaawac, balse waxaa markii dambe lasoo wariyey in uu u geeriyoodey dhacadaasi, sidda ay xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa.

Kooxda Al-Shabaab oo gacan-saar la leh Urur-weynaha Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaasi oo laamaha ammaanka ay ku raad-joogan cidii ka dambeysay.

Marxuumka ayaa lagu aasey gudaha Gaalkacyo, waxaaan ka qeybgalay mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan kuwaasi oo tasci tiiraanyo leh u diray ehelada sarkaalkaasi.

Gaalkacyo ayaa ah magaalo ay ka kala arrimiyaan dowladda Puntland iyo maamulka Galmudug, waxaana ay leedahay ciidamo amni oo isku dhaf ah kuwaasoo nabad-gelyada suga.

Xoogaga dowladda ayaa si joogto ah u qaada roondooyin lagu sugayo amniga magaaladda, kaasi oo mudooyinkii dambe ahayd mid ammaankeeda uu soo hagaayey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM