Taliyihii hore ee NISA oo ku guuleystay Doorasho ka dhacday Dhuusamareeb

Image
DHUUSAMAREEB - Kadib doorasho Boos-buuxin ah Kursi ka tirsan Gollaha Shacabka, oo ka dhacday Magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta rasmiga ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa kusoo baxay Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxmuud.
 
Jenaraal Gaafow oo helay guud ahaan codadka Ergooyinka wax dooraneysa oo gaarayey 51 ayaa waxaa uu ku garaacay ninka la tartamayey ee Xiirey Muxidiin Cumar, kaasoo kahor inta aysan bilaaban cod-bixinta ku dhawaaqay inuu tanaasulay.
 
Gaafow ayaa helay 47 cod, halka musharaxii la tartamay uu ku guuleystay 7 cod, sida gudiga doorashooyinka uu shaaciyay.
 
Kadib tanaasulkiisa, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ee Soomaaliya, Xaliimo Yarey oo madasha doorashada ka dhacday ka hadashay ayaa sheegtay inay raacayaan nidaamka doorashadda, ayna qabsoomeyso coddeynta.
 
Xiirey Muxidiin Cumar, ayaa wuxuu soo noqday Gudoomiyaha maamulka Degmadda Dayniile ee gobolka Banaadir, halka Jenaraal Gaafow uu soo noqday Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.
 
Kursiga uu kusoo baxay Jenaraal Gaafow waxaa iska casilay walaalkiisa Cabdiqaadir Gaafow, kadib muran iyo khilaaf hareeyay guud ahaan doorashadiisa, taasoo ugu dambeyntii uu laalay Guddiga Khilaafa Xalinta ee Doorashooyinka dalka.
 
Hadal kooban oo uu ka jeediyay Jenaraal Gaafow madasha doorashadda ayuu ugu mahad-celiyey guud ahaan inta dooratay, isaga oo sidoo kale ku amaanay Murashaxii la tartamay go'aanka uu qaatay, kaasoo uu ku sifeeyay inuu mid Geesinimo leh.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM