Taliyihii booliska degmadda Afgooye oo qarax lagu dilay

Image

AFGOOYE, Koonfur Galbeed – Taliyihii booliska saldhiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay qarax, sidda ay bogga Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiinta ammaanka.

Cabdiqaadir Cusmaan Nuunow iyo saddex kale oo ilaalo u ahayd ayaa ku dhintay miino haleeshay kolanyo ay la socdeen oo mareysay inta u dhaxeysa Caawa Cabdi iyo Lafoole, galabnimadii maanta.

Goobjoogeyaal ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha GO in askar kale oo kamid ahayd kolanyadda ay soo gaareen dhaawac.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa looga bartay dhacdooyinka noocaan ah.

Maamulka Koonfur Galbeed oo si kooban uga hadlay falkaas ayaa sheegay in uu cambaareynayo, isla markaana uu tacsi u dirayo ehelka taliyaha iyo askarta kale ee ku geeriyootay "falkaas argagixiso".

Afgooye, oo 30 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho, ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay xarun muhiim ah u ahayd howlgalada Ciidamada Kumaandooska.

Milatariga Soomaaliya ayaa dhowaanahaan ku howlahaan xoreynta gobolka oo Al-Shabaab ay haatan si buuxda kaga haystaan degmooyinka Kuntuwaarey iyo Sablaale, oo la sheegay in ciidamada kusii jeedaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM