Talyaaniga oo go'aan ka qaatay muwaadin "looga haysto" Soomaaliya

Image

ROMA, Italy – Sirdoonka Talyaaniga oo warbixin cusub kasoo saarey afduubka Al-Shabaab ee Silvia Romano ayaa tibaaxay in haweenaydan ay bad-qabto isla markaana caafimaadkeedu taam-yahay.

Sidda ay qortay warbaahinta, dowladda Talyaaniga ayaa go'aan ku gaartey in ay qaado "talaabo kasta" si ay xorriyadeeda dib ugu hesho Silvia Romano.

Baareyaasha ayaa diidey in ay ka jawaabaan su'aallo ku saabsan baadigoob cusub oo ay bilaabeen markii ay heleen xogo sirdoon.

Macluumaadkii ugu dambeeyay ee laga helay xaaladda Romano ayaa sheegaya in loo wareejiyey degaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Silvia, oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bini'aadanimada, ayaa bishii November, 2018, laga qafaashay Waqooyi Bari ee Kenya, halkaas oo howlo samafal ay ka waday.

Ciidamadda ammaanka ayaa saddex qof – Moses Luwali Chembe, Abdalla Gababa Wario iyo Ibraim Adam Omar – u xiray kiiskan, kuwaasoo lagu waddo in dhageysiga galkooda la bilaabo dhowaan.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa 3 milyan oo Doolar ku xirtay sii deynta Silvia, waxaase ku gacan sayray Kenya oo wacad ku martay in ay awood ciidan ku maquunin doonto Al-Shabaab.

Dowladda Cuba ayaa xaqiijisay in ay "wanaagsan yihiin" laba dhakhtar oo kaga jirta gacanta Al-Shabaab, muddo sanad ah. Xukuumada Havana ayaa waxay xustay in ay guluf kusoo furaneyso xubnahaas. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM