Talyaaniga oo go'aan ka qaatay muwaadin "looga haysto" Soomaaliya

Image

ROMA, Italy – Sirdoonka Talyaaniga oo warbixin cusub kasoo saarey afduubka Al-Shabaab ee Silvia Romano ayaa tibaaxay in haweenaydan ay bad-qabto isla markaana caafimaadkeedu taam-yahay.

Sidda ay qortay warbaahinta, dowladda Talyaaniga ayaa go'aan ku gaartey in ay qaado "talaabo kasta" si ay xorriyadeeda dib ugu hesho Silvia Romano.

Baareyaasha ayaa diidey in ay ka jawaabaan su'aallo ku saabsan baadigoob cusub oo ay bilaabeen markii ay heleen xogo sirdoon.

Macluumaadkii ugu dambeeyay ee laga helay xaaladda Romano ayaa sheegaya in loo wareejiyey degaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Silvia, oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bini'aadanimada, ayaa bishii November, 2018, laga qafaashay Waqooyi Bari ee Kenya, halkaas oo howlo samafal ay ka waday.

Ciidamadda ammaanka ayaa saddex qof – Moses Luwali Chembe, Abdalla Gababa Wario iyo Ibraim Adam Omar – u xiray kiiskan, kuwaasoo lagu waddo in dhageysiga galkooda la bilaabo dhowaan.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa 3 milyan oo Doolar ku xirtay sii deynta Silvia, waxaase ku gacan sayray Kenya oo wacad ku martay in ay awood ciidan ku maquunin doonto Al-Shabaab.

Dowladda Cuba ayaa xaqiijisay in ay "wanaagsan yihiin" laba dhakhtar oo kaga jirta gacanta Al-Shabaab, muddo sanad ah. Xukuumada Havana ayaa waxay xustay in ay guluf kusoo furaneyso xubnahaas. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM