Talyaaniga oo ka hadlay ciidamadiisa lagu qarxiyey Muqdisho

Image

ROMA, Italy – Wasaaradda Gaashaandhiga Talyaaniga ayaa ka hadashay qarax Muqdisho maanta oo Isniin ah lagula eegtay cutubyo kamid ah ciidamadda wadankaas ee ku sugan dalka dhaca Geeska Afrika.

War-saxaafadeed Wasaaradda kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa oo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaa noociisa uusan ciidamadooda u geysan dhimasho ama dhaawacba

"Waxaan baadigoobeynaa hadii ay jiraan waxyeelo ka dhashay weerarka," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka oo koobnaa kaasoo ay baahisay Wakaaladda wararka Reuters.

Qaraxan oo sababay dhimashadda hal qof oo rayid ah, kaasoo wadada marayey iyo dhaawaca saddex kale oo rayid ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo Kuliyadda Jaale Siyaad.

Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab kuwaasi oo gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa waxay dusha saaratay mas'uuliyada falkan.

Dowladda Soomaaliya oo si kooban uga hadashay dhacdadan ayaa cambaareysay, waxayna tacsi u dirtay ehelada dadka rayidka ah eek u naf-waayey; iyadda oo soo kabasho degdeg ah u rajeysay bukaanadda.

Ciidamada Talyaaniga ee la qarxiyey ayaa kamid ah xoogaga Midowga Yurub ee waddanka ku sugan kuwaasi oo tababaro siiya ciidamadda Soomaaliya ee la filayo in ay amniga dalkooda la wareegaan 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM