Telefoonka wariye u xiran Dowladda Soomaaliya oo "la isticmaalayo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamid ah ururada saxaafadda maxaliga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in telefoonka gaarka ah ee wariye u xiran Dowladda Soomaaliya la isticmaalayo, iyaddoo aan la ogeyn cidda adeegsaneysa.

Maxamed Cabduwahaab Nuur [Abuuja], tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, waxaa tan iyo 7-dii Maarso uu ku xiran yahay goob aan la aqoon oo ay hay'adda sirdoonka NISA ay maamusho balse ku taala Muqdisho.

Xukuumadda Federaalka ah ayaa mar sii horeysay sheegtay in saxafiga loo haysto arrimo la xiriira Al-Shabaabnimo. Eedeyntaas waxaa su'aal geliyey qoyskiisa iyo ururadda warbaahinta gudaha.

NISA oo la sheegay in ay la wareegtay telefoonka Abuuja tan iyo markii xorriyadda laga qaadey ayaanan wali ka jawaabin eedeymaha ku saabsan "isticmaalka sharci darada ah ee teefoonka wariyaha".

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ururada


Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) iyo Dalladda Xarumaha Warbaahinta ee SIMHA waxay si weyn uga walwalsan yihiin isticmaalka telefoonka gaarka ah ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go’doomin ah tan iyo 7dii Maarso.

Maalinimadii Axaddii 24ka May, 2020, abbaare 3:06p.m ayaa telefoonka wariye Abuuja lagu diiwaangaliyay aaladda wada-xiriirka bulshada ee IMO, iyadoo farriimo sheegaya in wariye Abuuja uu khadka internetka isticmaalayo loo diray dad ka mid ah qoyskiisa. Markii xubno ka mid ah qoyska ay dib u weceenna lagama jawaabin wicitaankooda.

Wariye Maxamed Abuuja waxaa markii ugu horreysay xiray saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka (NISA) 29kii Febraayo 2020 kaddib markuu daabacay qormo uu ku dhaliilay ciidamada ammaanka. Waxaa la siidaayey 2da Maarso 2020 isagoo wax dembi ah aanan lagu oogin. Markale ayey saraakiil NISA xireen 7dii Maarso, 2020, waxaana tan iyo xilligaas lagu hayey xabsi go’doomin ah oo aan la ogeyn halka uu ku yaallo. Loomana oggolaanin inuu helo qareen iyo in qoyskiisu arkaan illaa waqtigan.

Sida uu xaqiijiyay Cabduwahaab Nuur Mahdi, oo ah wariyaha aabihiis, waxaa wariyaha laga qaatay telefoonkiisa maalinkii la xiray. Sidoo kale saraakiil NISA ka tirsan ayaa booqday guriga wariye Abuuja iyagoo kasoo qaatay kombuyuutarkiisa gaarka ah.

Annagoo ka walaacsan in xuquuqdiisa xafidnaanta xogtiisa gaarka ah lagu xadgudbay, ayaan sidoo kale waxaan si weyn uga walwalsanahay ujeeddada ka dambeysa falkan lagu isticmaalayo telefoonka wariye Abuuja. Waxaan rumeysanahay in wariye Abuuja uusan xor ahayn sidaa darteedna ma isticmaali karo telefoonkiisa.

Ururrada SJS, SOMA iyo SIMHA waxay dalbanayaan in deg deg loo sii daayo wariye Abuuja ama loo oggolaado maxkamad caddaalad ah iyo qareen.

Waxaan sidoo kale uga digeynaa suxufiyiinta, saaxiibada iyo xubnaha qoyska wariye Abuuja inay ka digtoonaadaan wax kasta oo xiriir ah oo lagala soo sameeyo telefoonka wariye Abuuja ama barihiisa bushada maadaama hadda uusan xor ahayn.

Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in qolooyinkii xiray wariye Abuuja ay hadlaan oo ay deg deg caddeeyaan cidda furatay telefoonka iyo barta IMO ee magaca wariye Abuuja ku qoran iyo ujeeddada laga leeyahay.


Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ee muda xileedka uu gabaabsiga ka yahay ayaa ku eedeysan caburinta saxaafadda madaxa-banaan iyo laaluush-siinta wariyeyasha qaar si aysan u baahin wararka liddiga ku ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM