Tirada dadka loo xiray kiiska kufsiga iyo dilka Muqdisho oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in tirada shaqsiyaadka loosoo qabtay tuhunka la xiriira kiiska kufsiga iyo dilka Muqdisho ay mareyso 11 isla markaana kuwa kale lagu raadjoogo.

Sadiiq Aadan Doodishe, afhayeenka bileyska oo war-fidiyeenka u waramay, ayaa qoyska marxuumad Xamdi Maxamed Faraax ka codsaday in ay is-dejiyaan kana war sugaan natiijada baaritaanka haatan socda.

Baarista ayuu hoosta ka xariiqay in ay si wanaagsan u socoto isla markaana ay rajeynayaan in ay kusoo dhamaato hanaan fiican oo cadaalada lagu marsiinayo dambiileyaashii falkaas foosha xun ku kacay.

"Cid kasta oo haysa xog ku saabsan kiiskaan waxaan ka codsaneynaa in ay nagala shaqeeyaan soo qabashada ragii ku lugta lahaa," ayuu hadalkiisa kusoo ku daray, isagoo aan saxaafada su'aallo uga jawaabin.

Gaashaanle Doodishe ayaa xaqiijiyey in lasii daayey laba tuhunsane oo ah haween ah "kadib markii maxkamada awooda u leh ay caddeysay in aysan wax xiriir ah la lahayn fal-dambiyeedka dhacay".

"Balse mar walba oo loo baahdo waxaa lasoo taagi karaan maxkamad," ayuu ku daray, isagoo ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo si gaar ah hadii ay damaanad banaanka ku joogaan labadaas ruux.

Xamdi, 19-jir ka qalin-jabisay Dugsiga Sare gashayna Imtixaanka Dowladda, ayaa 11-kii bishan meydkeeda laga helay banaanka Hotel Marwo ee degmada Wabeer. Isbitaalka Madiina wuxuu xaqiijiyey in kufsi loo geystay.

Sidda ay sheegayaan warar horudhac ah, Xamdi ayaa laga soo tuuray dabaqa hotelka oo ah lix biyaano ah. Goobjoogeyaal kala duwan waxay wariyeen in jirkeeda uu ka muuqdo dhaawacyo gaar ahaan dhanka madaxa.

Hadalka taliska booliska ayaa kusoo hagaagaya maalmo kadib markii qoyska marxuumada ay ka cowdeen mas'uuliyiin ay sheegeen in ay cadaalada wiiqayaan isla markaana aysan ku qanacsaneyn qaabka wax u socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM