Tirada dadka loo xiray kiiska kufsiga iyo dilka Muqdisho oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in tirada shaqsiyaadka loosoo qabtay tuhunka la xiriira kiiska kufsiga iyo dilka Muqdisho ay mareyso 11 isla markaana kuwa kale lagu raadjoogo.

Sadiiq Aadan Doodishe, afhayeenka bileyska oo war-fidiyeenka u waramay, ayaa qoyska marxuumad Xamdi Maxamed Faraax ka codsaday in ay is-dejiyaan kana war sugaan natiijada baaritaanka haatan socda.

Baarista ayuu hoosta ka xariiqay in ay si wanaagsan u socoto isla markaana ay rajeynayaan in ay kusoo dhamaato hanaan fiican oo cadaalada lagu marsiinayo dambiileyaashii falkaas foosha xun ku kacay.

"Cid kasta oo haysa xog ku saabsan kiiskaan waxaan ka codsaneynaa in ay nagala shaqeeyaan soo qabashada ragii ku lugta lahaa," ayuu hadalkiisa kusoo ku daray, isagoo aan saxaafada su'aallo uga jawaabin.

Gaashaanle Doodishe ayaa xaqiijiyey in lasii daayey laba tuhunsane oo ah haween ah "kadib markii maxkamada awooda u leh ay caddeysay in aysan wax xiriir ah la lahayn fal-dambiyeedka dhacay".

"Balse mar walba oo loo baahdo waxaa lasoo taagi karaan maxkamad," ayuu ku daray, isagoo ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo si gaar ah hadii ay damaanad banaanka ku joogaan labadaas ruux.

Xamdi, 19-jir ka qalin-jabisay Dugsiga Sare gashayna Imtixaanka Dowladda, ayaa 11-kii bishan meydkeeda laga helay banaanka Hotel Marwo ee degmada Wabeer. Isbitaalka Madiina wuxuu xaqiijiyey in kufsi loo geystay.

Sidda ay sheegayaan warar horudhac ah, Xamdi ayaa laga soo tuuray dabaqa hotelka oo ah lix biyaano ah. Goobjoogeyaal kala duwan waxay wariyeen in jirkeeda uu ka muuqdo dhaawacyo gaar ahaan dhanka madaxa.

Hadalka taliska booliska ayaa kusoo hagaagaya maalmo kadib markii qoyska marxuumada ay ka cowdeen mas'uuliyiin ay sheegeen in ay cadaalada wiiqayaan isla markaana aysan ku qanacsaneyn qaabka wax u socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM