Soomaaliya oo xaqiijisay kiisas iyo geeri horleh oo ka dhalatay Covid-10

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqdey in lix qof ay maanta oo Talaado ah u geeriyoodeen fayruska safmareenka ah ee Corona.

Tani ayaa ka dhigan in tirada geerida guud ahaan caalamka ay gaartay 14 oo ay ku jiraan laba Xildhibaan oo ka kala tirsanaa baarlamaanka federaalka iyo midka HirShabelle.

Sidoo kale, xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shaacisay in 49 qof cusub uu soo ritay xanuunka taas oo wadarta guud ka dhigeysa 286.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga heerka qaran ee ka hortagga caabuqa ayaa intaas ku daray in laba qof oo horleh ay kasoo kabteen cudurka dilaaga ah.

"49 qof ayaa maanta laga helay xanuunka COVID19. Waxaa u geeriyootay 6 ruux waana tiradii ugu badneyd ee hal maalin u dhimata cudurka. 2 qof ayaa ka bogsootay," ayaa lagu yiri.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee 21-ka April, sanadka 2020, bukaanada cusub ee uu soo ritay xanuunka ayaa 30 kamid ah waxay yihiin Lab, halka 19-ka kale ay yihiin Dhedig.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, oo galabta wariyeyaasha kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in badi dadka laga helay xanuunka ay yihiin dhalinyaro 20 illaa iyo 40 jir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM