Tirada Turkida ku dhaawacantay qaraxii Afgooye oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in 15 qof ay ku dhaawacmeen qaraxii maanta ka dhacay bood-boodka oo ku dhow degmada Afgooye.

Nuur Cali, oo ah sarkaal ka tirsan bileyska, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in lix kamid ah dadka dhaawacmay ay Turki yihiin.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in sagaal kale ay yihiin Soomaali, waxayna isugu jiraan askar iyo shaqaale, sidda ay wararku sheegayaan.

Weerarka oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxo qarxa oo uu waday naftii halige ayaa beegsaday kontarool ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkida iyo ciidamadda.

Howladeenadan la beegsaday iyagoo qadeynaya ayaa kamid ah shaqalaaha dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo dayactir balaaran lagu sameynayo.

Ururka Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas.

Qoraal kasoo baxay kooxdan argagixisada ah ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku burburiyeen gaadiid ciidan.

Bishii December, 2019, qarax is-miidaamin oo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool ee duleedka Muqdisho ayaa sababay geerida 80 shacab oo ay ku jiraan laba muwaadin oo Turki ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM