Uganda oo ku dhawaaqay tiradda askar ay u soo direyso Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Taliska Ciidamadda Uganda ayaa ku dhawaaqday in 12-ka bilood ee soo aadan ay Soomaaliya u soo dirayaan 2,414 askari. Cutubyaddan waxay ku biirayaan howlgalka AMISOM.

Jeneraal David Muhoozi, taliyaha guud ee ciidamadda, ayaa shaaciyey in askartan ay qayb ka noqon doonan dedaaladda nabadeynta Soomaaliya iyo tababaridda la siinayo ciidamadda xoogga Soomaaliyeed.

Muhoozi, oo la hadlayey askarta, ayaa ku waaniyey in marka ay tagaan Soomaaliya xoogga saaraan badqabkooda, ka go'naanshiyaha shaqadda ay hayaan iyo wada shaqeyntooda.

"Ciidamadda waxaa laga doonayaa in aad u noolaataan si wanagasan, qoyskiina iyo dalkiina ka war-qabtaan. Waxaa mas'uuliyad idinka saaran yahay ilaalinta caafimaadkiina," ayuu raaciyey taliyaha.

Jeneraalka ayaa ku booriyey askarta in ay ilaaliyaan akhlaaqlooda inta ay ku guda jiraan howlgaladda AMISOM "si looga mirodhaliyo waajibaadka taliska hoostaga Midowga Yurub".

"Askarigii ku kaca falal edab-darro ah wuxuu la kulmi doonaa ciqaab daran oo ku saleysan shuruucda howlgalka," ayuu ku daray.

AMISOM ayaa Soomaaliya ka howlgaleysa tan iyo 2007-dii. Ciidamadda Uganda ayaa si gaar ah ugu xil-saaran ilaalinta xafiisyadda howlgalka Qaramadda Midoobay ee magaaladda Muqdisho.

Cutubyadda ayaa qayb ka ah tababarka ay bixiyaan saaxiibadda caalamka ee Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo diyaarinaya askar Soomaaliya oo mas'uuliyadda amniga dalka la wareega 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM