Khasaaraha dhimasho ee is-miidaamintii Sayidka oo la shaaciyey

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax xoogan oo Arbacadda maanta ah ka dhacay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka oo ahaa is-miidaamin uu ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalo madaxda.

Goobta falka laga soo wariyey oo ka akdhow bar-kontarool oo laga ilaaliyo amniga xarumo dowladeed oo muhiim ah ayaa aalaaba ah mid mashquul badan.

"Xiligga uu qaraxu dhacayey waxaa saf ku jiray gaadiid badan oo doonayey in ay gudbaan," ayuu yiri sarkaal ka tirsan bileyska, oo magaciisa ka gaabsaday.

Dhismeyaasha dowladeed ee muhiimka ah ee kontaroolka ku dhow waxaa kamid ah Madaxtooyadda iyo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

"Inkastoo ay kordhi karto, illaa iyo haatan waxaan xaqiijinay geerida afar qof," ayuu ku daray sarkaalka, xogtiisa ay ku saleysan tahay meydadka meesha lagu arkay.

Al-Shabaab ayaa tan iyo 2011-kii, oo Muqdisho laga saarey, waxay inta badan dusha saarataa dhacdooyinka noocaan ah oo khal-khal geliyay xasiloonida magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM