Tirinta codadka wareegga 1aad ee doorashadda Galmudug oo socota

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta Dhuusamareeb ku dooranaya Madaxweyne cusub, iyadoo xilka ay u tartamayaan 4 musharax oo kaliya.

Doorashadda oo ka dhacaysa hoolka Shiirkole, ayaa waxaa la filayaa inuu kusoo baxo musharaxa dowladda Federaalka ay wadato ee Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], waxaana cod bixinta ka qeybqaadanaya 89 Xildhibaan.

Musharixiin dhowr ah ayaa isaga haray tartanka, kuwaasoo sheegay in dowladda Federaalka ay afduubtay hanaankii doorashadda, islamarkaana ay taageertay mid kamida musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug.

Waxaa hadda lasoo gaba-gabeeyay wareegga 1aad ee doorashadda, waxaana la filayaa inuu gudiga dooraashadda Galmudug uu ku dhawaaqo natiijadda codeynta.

Madaxweynaha cusub ayaa hogaamin doona Galmudug 4 sano, waxaana horyaallo caqabado badan, oo ay kamid yihiin mideynta maamulkan mudada dheer kala qeybsanaa, xalinta khilaafyada siyaasadeed iyo amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM