Tobban looga shakisan yahay Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Image

JOWHAR, Soomaaliya – Ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay gobolka Shabeellaha Dhexe ku qabteen tobban qof oo looga shakisan yahay in ay xubin ka yihiin AlShabaab.

Axmed Maxamed Tareedisho, oo kamid ah saraakiisha xoogaga dowladda, kaasi oo u waramay BBC Soomaali ayaa shaaciyey in raggan laga xiray wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar-Balcad.

Sidda laga soo xigtay Tareedisho, shaqsiyaadkan ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay kadib howlgalo kala duwan oo ay qaadeen milatariga.

"Howlgalada waa ay sii socon doonan, warbixinna waan kasoo saari doonaa, hadii uu ALLE raali ka nqodo," ayuu mar kale u sheegay GO.

Sabtidii ayey ahayd markii duleedka Balcad, gaar ahaan tuulada Gololey lagu khaarijyey gudoomiye ku xigeenkii gobolka, wasiir hore iyo dad kale, kadib qarax miino oo lagu beegsaday.

Axadii, weerar kale oo lagu ekeeyay kolanyo ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu naf-gooyey 12 askari xili ay ku dhaawacmeen tirro kale.

Sidda laga soo xigtay xog uruurin la sameeyay, in ka badan tobban qarax ayaa AMISOM lagula eegtay jidkaasi, taasi oo ka dhigeysa mid kamid ah meelaha ugu badan ee uu khasaaraha kasoo gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM