Todoba qodob oo ay ku heshiiyeen Axmed Madoobe iyo mucaaradkiisa

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo mucaaradkiisa ayaa maanta oo Khamiis ah waxay qalinka ku duugeen heshiis ka kooban todoba qodob oo ay isla meeldhigeen.

Heshiiskaan waxaa garwadeen ka ahayd oo martigelisay wadahadalka dowladda Kenya, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan dhinacyadda.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar oo hor-boodayey Golaha Isbedel-Doonka Jubaland ee diidey dib-u-doorashadii Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in ay aqoonsadeen coddeyntaas.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Axmed Madoobe, Xidig iyo Seeraar ayaa waxay ku shaaciyeen in ay soo afjareen khilaafkii siyaasadeed ee muddo bilooyinka ah ka dhex-aloolsanaa.

Sidoo kale, waxay isla meeldhigeen in madaxweynaha Jubaland uusan mar saddexaad isku soo sharaxi doonin xilka madaxtinimadda dowlad goboleedkaas.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Axmed Madoobe uu soo dhisi doono Gole wasiiro oo wadaag ah oo tayo leh qeybna ka yihiin Golaha isbedel Doonka, iyaddoo la ilaalinayo hab-qeybsiga beelaha.

Bayaanka ayaa lagu adkeeyay ahmiyadda ay leedahay shirar iyo dib-u-heshiisiin lagu xoojinayo heshiiska isla markaana la isugu keenayo wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda Jubaland.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, waxay isla meeldhigeen baahida loo qabo abaabulka howlgal balaaran oo lagu xoreynayo caasimadda rasmi ah ee dowlad goboleedka, Bu'aalle, taas ay hadda haysto Al-Shabaab.

Xilli ay ka dhawaajiyeen in Jubaland ay mar walba diyaar tahay, madaxda ayaa cod dheer kusoo jeediyey in lasoo afjaro khilaafka u dhaxeeya dowladda madaxweyne Farmaajo iyo maamulka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii, dowladda federaalka ayay ugu baaqeen in ay taageerto heshiiska si lamid ah, Puntland iyo dowladda Kenya ayay uga mahadceliyeen garab istaaga iyo doorka ay ku lahaayeen heshiiska.

Hoos ka akhriso heshiiska oo dhameystiran

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM