Toogasho ka dhacday Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho xalay ka dhacday gudaha magaaladda Muqdisho, oo mudooyinkii dambe u muuqata mid amnigeeda soo hagaagayo.

Toogashada ayaa dhacday kadib markii ciidamada booliska ay ku dileen xaafad katirsan degmada Howlwadaag nin kamid ahaa koox burcad ah oo dhac u geysanayay dadka shacabka ah, oo ka furanayay taleefonka gacanta [Mobile].

Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheeegay in ciidamada ay ku baxeen goobta, kadibna ay dileen mid kamida burbadda, iyadoo nolosha lagu qabtay mid kale, oo hadda isagoo dhaawac ah lagu hayo xarunta CID-da.

Burcadda ayaa ku lebisnayd dareeska booliska, waxayna ahaayeen koox is baabushay oo xiliga habeenkii jidka u gali jiray dadka degaanka kadibna ka qaadan jiray taleefoonada, iyo agabka kale ee ay wateen.

Magaaladda Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe ka dhacayay falal burcadnimo ah, oo la sheegay inay geystaan askar katirsan militeriga, oo xilliga habeenkii kasoo baxa xeryahooda, kadibna shacabka ka furta taleefoonada.

Dawladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay in gudaha magaalada aan loo ogoleyn militeri inuu soo gali, kadib markii mas'uuliyadda amni ku wareejisay booliska oo hadda ka howlgala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM