TOOS: Furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare iyo Farmaajo oo ka baaqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u furmaya kalfadhigiisa 5aad, iyadoo munaasabada furitaanka ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiin uu kamid yahay Ra'iisul Wasaare Khayre.

Jahwareer xooggan ayaa ka taagnaa mudo saacado ah furitaanka, kadib markii uu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu soo galay hoolka, islamarkana sheegay inuu isaga furayo, taasoo gudoonka uu ka biyo diiday, maadaama dastuurka u ogolaanaynin.

Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay gudoonka Aqalka Sare oo isku dayay inuu ku qanciyo inuu isaga furo kalfadhiga, balse taasi laga diiday, waxaana loo ogolaadey oo kaliya inuu kamid noqday mas'uuliyiinta ka qeybgalaysa munaasabada.

Farmaajo ayaa ka baaqday inuu furo kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isoo ku sugan Muqdisho, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa arintan, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu Madaxweynaha furay maalmo kahor kalfadhiga 5aad ee Gollaha shacabka.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Aqalka Sare uu sanadkii tagey hakiyay wadashaqeyntii Gollaha Shacabka, kadib markii 2017 iyo 2018 la hareer mariyay ansixinta miisaaniyadda dowladda.

HALKAN TOOS UGA DAAWO XAFLADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM