TOOS: Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo ayaa sheegaya inay billaabatey cod-bixinta doorashada Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed, iyadoo ay hoolka doorashada ay ku sugan yihiin shanta Musharax ee u tartamaya xilka iyo Xildhibaanada wax dooranaya.

- Musharixiinta tartamaya -

1. Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)
2. Huseen Cismaan Huseen [Calool-Kuus], Madaxii hore ee NISA.
3. Ibraahim Maclin Nuunow
4. Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen, Wasiirkii hore ee Biyaha & Tamarta.
5. Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Waxay ka dhacaysaa doorashada gudaha aqalka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed, iyadoo amaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay maanta, waxaana la geliyay xaalad bandow ah.

Doorashadan ayaa saddex jeer dib loo dhigay, iyadoo ay jiraan eedeymo loo jeedinayo Dowladda Federaalka oo ah inay faragelin toos ah ku hayso hanaanka doorashada, iyadoo taageeraysa labo musharax.

Waxaa ka dhacay Baydhabo todobaadkii tagey dibadbaxyo rabashado wata kadib markii ay ciidamada Itoobiya xireen Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa musharaxiinta, kaasoo hadda la dhigay xabsi ku yaalla Muqdisho.

HALKAN TOOS UGA DAAWO DOORASHADA KG:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM