Tuhunka ku geedaaman kulanka Sabtida ee Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkasta oo dabeysha siyaasada Soomaaliya ay dhinac kale u weecatay Talaadadii shalay ahayd, haddana waxaa soo ifbaxeysa cabsi kale oo sii murjin karta xaalada cakiran ee haatan dalka ku sugan yahay.

Baqdintaas ayaa ka imaaneysa fadhiga gaarka ah ee lagu waddo in Golaha Shacabka yeesho Sabtida todobaadka dambe halkaasoo madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo uu khudbad ka jeedin doono.

Musharaxiin madaxwayne, Xildhibaano iyo siyaasiyiin dhowr ah oo hadlay ayaa tuhun culus waxay ka muujiyeen kulankaas, iyaga oo sheegaya in uu jiro "qorshe shirqool ah" wallow aysan tafaasiil badan ka bixin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu socdo abaabulka mooshin la doonayo in si lama filaan ah xilka looga xayuubiyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble taas oo haddii ay dhacdo halisteeda leh.

Senator Cabdi Qaydiid oo ka tirsan mudaneyaasha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa  cod dheer wuxuu ka digay in kulankaas lagu meelmariyo "wax carqaladeynaya ifafaala cusub".

"Kulanka la isugu yeeray Xildhibaanada ee Sabtida waa mid mudan in laga shakiyo. Waxaan ka digeynaa in ay kasoo baxaan wax carqaladeynaya baaqyadii u dambeeyay ee Galmudug, HirShabelle iyo ra'iisul wasaaraha madaxweynuhuna taageeray waan uga digeynaa Xildhibaanada, mas'uuliyadeedana waxaa qaadaya cidda markaas ku shaqada leh," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Cawaaqibka ay leedahay waad garan kareysaan. Muddo kordhintii uu sameeyay Golaha Shacabka waa tan maanta ay dad u dhinteen, dad u dhaawacan yihiin hanti badan ay ku burburtey".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa ku tartarsiiyey Rooble in uu hogaamiyo shirarka xalka loogu goobayo khilaafka.

"Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay. Hadalkiisu micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan ayuu isugu jiray. Waa nin shirqool horleh la soo maleegaya Mursal iyo 54-tii xildhibaan ee muddo kordhinta xaaraanta ah kala shaqeysay. Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha. Waxaan uga digaynaa 54ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey in aysan fidno kale ka sii shaqaynin," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Rooble waa in uu tillaabada la hormaraa oo uu hoggaanka qaataa, casuumadda shirka fidiyaa, oo uu saamileyda ballaariyaa, ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa, amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa, taageerada beesha caalamka kasbadaa. Go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin ayaa laga rabaa".

Cawaaqibka ka dhalan kara haddii Sabtida uu Golaha Shacabka eryo Rooble waxaa kamida in ay sii karaar-qaadeyso xasilooni darada siyaasadeed, carada Beesha Caalamka oo kororta iyo hubanti la'aan soo wajahda qabashada doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay eedeysaneyaal

Eedeysanayaashaan ayaa waxa ay isugu jiraan milkiileyaal iyo farsamayaqaano.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 05:25PM

Soomaaliya oo codsatay in albaabada loo laabo xafiiska UN-ka ee Muqdisho

Talaabadaan ayaa imaanaysaa xilli howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ka baxayaan dalka.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 09:11AM