Muxuu ka dhigan yahay Heshiiska Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaaliya?

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis aan wali qodobadiisa loo soo bandhigin saxaafadda waxay la gashay dhawaan Ahlu Sunna Wal-jameeca, oo ka talisa qeybo mida gobolka Galgaduud.

Heshiiskaasi ayaa dhinacyadda uu ka kooban yahay waxaa kamid ah amniga iyo siyaasadda, iyadoo uu socdo qorshooyin dib u heshiisin kahor doorashada Galmudug iyo in malleeshiyada Ahlu Sunna la qarameeyo.

Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka [Booliska, Militeriga iyo Asluubta] ayaa u socdaalay xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb, si ay qalinka ugu duugan Axdiga isla markaana ay uga shaqeyn lahaayeen fulintiisa.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskan uu "guul weyn" u yahay qorshaha xukuumadda hadda jirta ee dib u habeynta ciidamada iyo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ahlu Sunna ayaa Al-Shabaab ka xoreysay magaalooyin waaweyn sida Dhuusamareeb iyo Guriceel, halkaasi oo xubno badan ay kaga dhinteen labada dhinac.

Balse cudada dowladda oo kusoo biirtay ayey sheegayaan xeel-dheereyaasha in ay sahleyso in dagaalka dib loo bilaabo maadaama mudooyinkii dambe uu hakad ku jiray.

Heshiiska Ahlu Sunna ayaa meesha ka saarey Madaxweyne Xaaf, oo hadda u muuqda mid ka tanaasulay Kursigiisa, maadaama lagu heshiiyay in doorashada la qabto waqtigii dowladda Federaalka ku baqday, oo ah bishan July.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xusay in Dhuusamareeb la geyn doono ciidamo ka socda federaalka, wallow taasi ay siyaasiyiinta su'aal ka keeneen kuna tilmamaay "afgembi lala damac-san yahay coddeynta".

Doorashada ayaa la filayaa in ay ka qabsoonto Dhuusamareeb wallow ay dood ka taagan tahay.

Odayaasha Cadaado ayaa qeyb kamid ah heshiiska ka horyimid gaar ahaan qodobka qeexaya in Dhuusamareeb ay martigeliso heshiiska dib u heshiisiinta Galmudug. 

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed oo ay kusoo saartey siyaasigii ay wadatay markii ay Baydhabo geysay ciidamo boolis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM