Turkiga oo ka hadlay weerar Al-Shabaab ka fulisay Somalia

Image

ANKARA - Dowlada Turkiga ayaa si adag u cambaareysay qarax gaari oo lagu beegsaday xarun ganacsi oo ku taala degmada Xamar-weyne ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, shalay oo Isniin ahayd.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada xukuumada Ankara, kaasi oo loo diray warbaahinta ayaa ku tilmaamay weerarka oo uu sheegtay Ururka Al-Shabaab mid “bahal-nimo ah".

Dadka wax ku noqday weerarka ayuu Turkigu u rajeeyay soo kabasho ah deg deg, halka kuwa geeryooday uu ALLE kaga baryay naxariistiisa.

"Waxaan u tacsiyeyneynaa shacabka walaalaheena ah iyo dowlada Federaalka ah Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay, halka tobanaan kale ay ku dhaawacmeen markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa uu ku qarxay meel ku dhow dhismaha Mogadishu Mall iyo xafiiska Duqa Muqdisho.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa tilmaamay in bartilmaameedkooda uu ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada oo meesha ka ak-dhowaa.

29-kii bishii hore ee Janaayo ayay ahayd markii qarax ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dhinteen 5 qof oo shacab ah, xili ay ku dhaawacmeen tobanaan kale.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM