Turkiga oo xero ciidan ku wareejiyay DF Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa Sabtidii xero milateri ku wareejiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah.

"Iyadoo qayb ka ah dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, xerooyinka Waqooyiga - xeradda 1-aad ee saldhigyadii uu Turkigu ka dhisay Muqdisho waxaa lagu wareejiyay mas'uuliyiinta [Soomaaliya]," ayaa lagu daabacay bogga Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga.

Xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya waa mid taariikhiyan adag, wuxuuna kor u kacay kadib booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan sanadkii 2011, taasoo ka dhigtay in uu noqdo hoggaamiyaha kaliya ee aan Afrikaan ahayn ee booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah.

Iskaashiga militariga ka sokow, labada dal waxay sidoo kale iska kaashadaan caafimaadka, waxbarashada, iyo dadaallada kale.

Turkiga wuxuu dhisay iskuulo, isbitaalo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuu kaloo soomaalida siiyay deeqo waxbarasho oo ay wax ku bartaan dalka Turkiga.

Ankara ayaa u tababartay Soomaaliya in ka badan shan kun askari, waxaana qorshuhu yahay in ay gaarsiiso illaa iyo 15-kun askar kumaandoos.

Ciidamadaas ayaa haatan wajahaya eedeymo ku saabsan in ay ku milmeen is-qabqabsiga siyaasadda lana safteen xukuumadda waqtiga ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM