Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku geeriyoday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa habeenimadii Talaadada wuxuu ku geeriyooda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya geerida marxuumka. Fahfaahinada qaar waxay xusayaan in uu u geeriyooday Coronavirus, halka kuwa kale ay tibaaxayaan in uu u dhintay xanuunka dhanka wadnaha ah.

Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas'uuliyiin ay kamid yihiin musharaxiin madaxwayne ayaa ka tacsiyeeyey geeridda marxuumka oo la filayo in maalinta berri ah la aaso.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo caawa uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble," ayay Villa Soomaaliya tiri.

Qoraalka ayaa lagu daray: "Madaxweynaha ayaa xusay in Ugaasku uu ahaa hurmuud dhaqan oo lagu soo hiran jiray, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada".

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka," ayuu Farmaajo xusay.

Bayaanka Villa Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday".

Marxuum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wuxuu ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isaga oo Dowladda Farmaajo ku taageeray doorashada hogaanka cusub ee HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM

Soomaaliya oo heshay mashruuc ka faa’ideysanayaan 2.5 milyan qof

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha soo laab-laabtey.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:19AM