Ujeedka socdaalka aan lasii shaacin ee Farmaajo ku tegay Addis Ababa

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar aan la shaacin waxa uu Khamiista maanta ah ku tegay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya.

Garoonka Diyaaradaha ee Bole ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxtooyadda ma aysan soo bandhigin ujeedka dhabta ah ee socdaalka Farmaajo, kaasi oo kusoo hagaagay iyadda oo dalka ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo xal u baahan.

Hase ahaatee, waxaa Addis Ababa ku qulqulaya hogaamiyeyaasha wadamada xubinta ka ah urur goboleedka IGAD, kuwaasi oo ka qeybgalaya shirka "Beautification of Addis".

Madaxweyneyaasha oo badankooda gaarey halkaas ayuu socdaalkooda yimid kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Abiy, kaasi oo waddankiisa uu martigelinayo isu imaatinka.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay illo xog ogaal ah ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in uu jiri doono kulan oo ay isku daba ridi doonto dowladda Kenya.

Shirkaas ayaa waxay xukuumadda Nairobi ay kula wareegi doontaa gudoomiyaha ururka IGAD, kaasi oo Soomaaliya ay kamid tahay wadamadii aas-aasay kahor dagaalkii sokeeye.

Ma cadda hadii shirkaas uu Farmaajo ka qeybgeli doono. Muqdisho iyo Nairobi ayaa waxaa dhex-taala xurguf diblumaasiyadeed oo ka dhalatay dacwadda kiiska badda ee ICJ.

Gal-dacwadeedkan ayaa sugaya go'aan kasoo baxa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, maadaama ay Kenya dalbatay in dib loo dhigo dhageysigiisa muddo ku siman hal sano.

Dalalka deriska ah ayaa isku haysta goob 150 KM isku wareeg ah kuna taala sohdinta labadda wadan, hodon-na ku ah noocyo kamid ah Shidaalka iyo Gaaska naqaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM