UN: Askar Soomaali ah ayaa la dagaalamay Tigray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin kasoo baxdey guddiga xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in askar Soomaali ah oo tababar loogu qaadey Eritrea loo daabulay colaada gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray.

Dowlada federaalka waxay horey u beenisay wararkan wallow ay qirtey in ay Asmara tababar ugu dirtey tiro aysan shaacin oo askar ah. Inta la og-yahay waa markii ugu horeysay oo ciidan Soomaali ah tababar loogu diro waddanka Itoobiya.

Guddiga arrimaha dibada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu horey u dalbadey in xukuumadda ka jawaabto dhamaan su'aalaha ku geedaaman wararkan oo qaarkood ka yimid waalidiinta wilasha tababarka loogu diray Eritrea.

Sida ku xusan warbixinta UN-ka, waxaa jira warar sheegaya in guddiga arrimaha dibada iyo difaaca baarlamaanka Soomaaliya ay guddi xaqiiqo raadin ah u direen Eritrea si ay u baaraan sheegashooyinkan hadalheyntooda ay si weyn u baahdey.

Qormada Qaramada Midoobay ayaa weji cusub waxay u yeelaysaa kiiska askarta Soomaalida ah ee tababarka loogu qaadey Eritrea kuwaasoo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad laba kun.

Guddiga warbixinta soo saarey ayaa ah mid Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa uu u xilsaarey baaritaanka tacadiyada bini'aadanimo ee ka dhacay gobolka Tigray halkaasoo ciidamadda Itoobiya ay duulaan toos ah ku ekeeyeen.

Tacadiyada laga soo wariyey gobolka waxaa kamid ah dil wadareedyo shacab aan waxba galabsan loo geystay, kufsi aan kala sooc lahayn, beegsiga qowmiyad gaar ah iyo is-hor-taagida kaalmada caalamiga ah ee ismaamulkaas loo daabuli lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM