UN-ka oo baaq kasoo saarey xaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey "deganaan iyo is xakameyn" kadib iska-hor-imaad hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah magaaladda caasimadda ah Soomaaliya ee Muqdisho.

Isku-dhaca ayaa u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo dhinacyadda kasoo horjeeda ee Midowga Musharaxiinta u badan. Illaa haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay is-rasaaseynta oo hub culus la isku adeegsaday.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda ay haatan ku sugan tahay magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika.

"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska-hor-imaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo Jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidda ku xusan bayaanka, daneeyeyaasha caalamka ayaa quudareynaya in ay shir deg-deg ah isugu yimaadaan dowladda iyo maamuladda "si loo dhameystiro heshiiska 17-kii September" ee fulintiisa uu muranka ka jiro.

"Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ayaa u muuqaneysa in ay isku rogtay gacan-ka-hadal. Ma cadda hadii mudaaharaadka ay Golaha Midowga musharaxiinta maanta bilaabeen uu sii socon doono maalmaha soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM