UN-ka oo laga dalbaday inuu shir u qabto madaxda DF iyo maamulada.

Image

MUQDISHO, Sooamaliya - Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM], ayaa laga dalbaday inuu qaban-qaabiyo shirweyne ay isagu yimaadaan madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada dalka.

Sida ku xusan Warqad Madaxtooyadda Villa Soomaaliya u dirtay Raisedon Zenenga, oo ah ku xigeenka ergayga QM ee Soomaaliya shirka ayaa la qorsheynayaa inuu qabsoomo dhamaadka bisha June ee 2020.

Warqaddan oo nuqul kamida uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa ku saxiixan mas’uul lagu magacaabo Prof. Najiib, kaasoo sheegay in loo xilsaaray qaban-qaabinta shirka DFS iyo maamullada.

DF ayaa ka codsatay UNSOM inay kala shaqeyso, islamarkaana ka taageerto sidii uu ku qabsoomi lahaa shirka, iyadoo Raisedon Zenenga la waydiistay inuu warqadda casuumaadda gaarsiiyo agaasimiyaasha madaxtooyadda dawlad goboleedyada ay ku socoto.

“Aad baan kaaga mahadcelinaynaa hadii xafiiskaaga naga caawiyo inuu caasumadda gaarsiiyo agaasimiyaasha madaxtooyadda maamullada,” ayaa lagu yiri qoraalka loo diray Raisedon Zenenga.

Warqadda oo maalmihii dambe dhex-wareegeysay baraha bulshada [Social media], ayaa waxaa og agaasimaha Villa Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi [Fuursade], waxaana la ogeyn inay gaartay maamullada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer sanadkii tagey ku baaqey shirar uu ku casuumay madaxda maamullada, kuwaasoo u qabsoomi waayay khilaafka siyaasadeed ee ka jira wadanka, oo wali la xalin.

Farmaajo waxaa mudooyinkii dambe soo wajahay culeyska gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho oo kaga furan yihiin mowjado siyaasadeed oo uga yimid dhinaca siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxdii hore.

Puntland ayaa horaantii sanadkan ku baaqday shir dib u heshiisiin ah oo u dhaxeeya dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada, si looga wada-xaajoodo aayaha dalka, loona xaliyo khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeeya. Laakiin, shirka ma qabsoomin sababo jiray awgood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM